Hypertension

what is hypertension?
Dhiig karka waa cudur kamid ah cudurada sababa xaaladaha caafimaad ee dilaaga ah sida kilyaha oo fariista (kidney failure), maskaxda oo dhiig ku furma (stroke), wadnaha oo istaaga (heart attack), cudurada kudhaca xididada dhiiga (vascular diseases) iyo xaalado kale oo qatar badan. Dhiig-karka (hypertension) waa marka cadaadiska xididdada dhiiggaagu uu aad u sarreeyo (140/90 mmHg ama ka sarreeya). Maxaa sababa dhiig-karka ( hypertension )? Inta badan, ma cadda waxayabaha saxda ah ee keena dhiig karka. Balse waxaa jira waxyaabo kordhin kara sababihiisa. Cadaadiska dhiigga sare sida caadiga ah wuu soo baxaa muddo ka dib. Waxaana loosababeyn karaa doorashooyinka qaab nololeed aan caafimaad qabin, sida inaadan helin dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah ama kugu filan (lack of exercise). Sido kale xaaladaha caafimaad qaarkood, sida sokorowga (diabetics) iyo cayilka (obesity), ayaa kordhin kara halista inuu kugu dhaco dhiig karka. Waxyaalaha kordhiya khatarta dhiig-karka waxaa ka mid ah: Da'da weyn Hiddaha ama dhaxalka Cayilka Jimicsi la’aanta Cabista sigaarka ama tubaakoyinka Qadaashada cusbada badan Cabista khamriga Walwalka (stress) Uurka (sido kale waxaa jira dhiig karka kudhaca haweenka uurka leh aad ayuna u badanyahay). Calaamadah dhiig-karka (Hypertension)? Dhiig karku waxaa lagu naaneysaa dillaaga-amusan (silent killer), Inta badan dadka qaba hypertension ma dareemaan wax calaamado ah. Dadka qaba cadaadis dhiig oo sarreeya (180/120 ama ka sareeya) waxay la kulmi karaan calaamado ay ka mid yihiin: Madax xanuun daran Xabad xanuun Wareer Neefta o ku adkaata Lalabo ama Matag Isbadal ku yimaada aragga Dhiig sanka ka yimaada Garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn. Kahortaga iyo Maareynta Dhiig-Karka. (Hypertension). Ku noashaha qaab nololeed caafimaad leh, waxay kaa caawin kartaa inaad ku ilaaliso cadaadiska dhiiggaaga mid caafimaad qaba. Ka hortagga dhiig karka (hypertension), waxay hoos u dhigi kartaa halista cudurrada wadnaha iyo maskaxda. Cun cuntooyin caafimaad leh oo kaa caawinaya inaad iska ilaaliso dhiig karka iyo dhibaatooyinkiisa. Ku dadaal inaad cuntid miro (fruits) iyo khudaar (vegetables) badan. Ku ilaali naftaada miisaan caafimaad leh. Miisaanka xad dhaafka ah ama cayilka wuxuu kordhin karaa halista dhiig karka. Noqo mid Firfircoon Jir ahaan. Dhaqdhaqaaqa jireed ama exercise ka wuxuu kaa caawin karaa inuu kugu ilaaliyo miisaan caafimaad leh wuxuuna hoos u dhigaa cadaadiska dhiiggaaga. Jooji cabiska sigaarka iyo alkolada. Hurdo kugu filan seexo. Inaad hesho hurdo kugu filan waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga guud, hurdo kugu filanina waxay qayb ka tahay ilaalinta caafimaadka wadnahaaga iyo xididdada dhiiggaaga. Hurdo ku filan oo aan si joogto ah loo helin waxay keeni kartaa khatarta sii kordheysa ee cudurada wadnaha, dhiig-karka, iyo istaroogga.

Comments

Popular Posts